Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, kulan gaar ah kula yeeshay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee uu ku haybta yahay.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ku dhow madaxtooyada, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sidii looga hortagi lahaa kala fogaanshaha siyaasadeed ee sii kordhaya, kadib burburkii wada-hadalladii u dhaxeeyay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Siyaasiyiinta kulanka ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xildhibaan C/qaadir Cali Cosoble, iyo Khaliif C/qaadir Macallin Nuur, kuwaas oo dhammaantood ka mid ah saaxiibbada siyaasadeed iyo eheladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararku waxay sheegayaan in kulankoodu uu la xiriiray dadaal lagu doonayo in la yareeyo xiisadaha siyaasadeed iyo in laga fogaado hubanti la’aan ka dhalata khilaafaadka doorashooyinka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isagoo u arka inay tahay waddada lagu xaqiijin karo dimuqraadiyad buuxda iyo matalaad dadweyne.
Dhanka kale, mucaaradka ayaa ka digaya in doorasho aan lagu heshiin oo aan loo wada dhammayn ay sababi karto qalalaase siyaasadeed iyo khilaaf hor leh.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu dalka wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la sugayo in dhinacyadu ay gaaraan is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka geeddi-socodka dowlad-dhiska.