Golaha wasiirrada oo ka hadlay hirgelinta dastuurka cusub iyo hannaanka doorashooyinka

Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan ballaaran oo diiradda lagu saaray hirgelinta dastuurka cusub Soomaaliya, xilli ay dalka ka taagan tahay dood siyaasadeed oo ku saabsan geeddi-socodka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Kulanka oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay qorshaha guud ee hirgelinta dastuurka, kaas oo ay golaha horgeysay wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka.

Wasaaraddu waxay faahfaahin ka bixisay qorshaha farsamo, muddada lagu fulinayo iyo muhiimadda uu dastuurku u leeyahay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka siyaasadeed iyo xoojinta midnimada qaranka, kaas oo tilmaamaya qorshaha hirgelinta dastuurka uu socon doono inta u dhaxeeysa sannadaha 2026 illaa 2029.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dastuurku si rasmi ah u dhaqan galay laga bilaabo maalintii uu madaxweyne Xasan Sheekh saxiixay, isla markaana lagu daabacay faafinta rasmiga ah ee dowladda, hase yeeshee hirgelintiisa dhinaca farsamada iyo maamulka ay waqti qaadan doonto.

Warbixinta wasaaradda caddaaladda ayaa sidoo kale lagu xusay in golaha wasiirrada loo soo gudbin doono qorshe mudnaan siinaya qodobbada ugu muhiimsan ee dastuurka la doonayo in la fuliyo 12-ka bilood ee soo socda, iyadoo la eegayo xaaladaha dalka iyo baahiyaha jira.

Qodobbada mudnaanta leh waxaa kamid noqon doona dhismaha iyo hawlgelinta hay’ado muhiim u ah dowladnimada, sida golaha adeegga garsoorka iyo hay’adda dakhliga qaranka.

Dhinaca kale, golaha wasiirrada ayaa dhegeystay warbixinno la xiriira doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo sidoo kale dadaalladii wada-hadalka siyaasadeed ee uu hormuudka ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay dalacsiinta Maxamed Rabiic Yuusuf oo loo magacaabay safiirka labaad ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, kadib markii cod aqlabiyad leh ay ku meel mariyeen golaha wasiirradu.

Ugu dambeyn, golaha wasiirrada ayaa meel mariyay siyaasado, heshiisyo iyo xeerar dhowr ah oo la xiriira horumarinta isboortiga, dib-u-howlgelinta nidaamka caymiska bulshada, heshiisyo maalgashi oo lala galay Sacuudiga, iskaashi dhinaca waxbarashada ah oo lala yeeshay Turkiga, iyo xeerka maamulka goleyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.