Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle.

Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday, isaga oo u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday, islamarkaana door muuqda ka qaato xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jabuuti

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dhankiisa, Danjire Cusmaan Dubbad Sugulle ayaa Madaxweynaha Soomaaliya gaarsiiyay dhambaal iyo salaan uu uga siday madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo uga mahadceliyay dowladda federaalka Soomaaliya soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta ay la garab taagan tahay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jabuuti

Ugu dambeyn, Danjiraha cusub ayaa soo bandhigay qorshayaal lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta iskaashiga gobolka.