Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Baydhabo

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi ku qaabilay wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka, siyaasiyiin, saraakiil ciidan oo horey ugu sugnaa magaalada, iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Baydhabo
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Baydhabo

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ayaa la filayaa inuu kulamo wadatashi ah la yeesho mas’uuliyiinta kala duwan, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, si loo xoojiyo xasilloonida loona dardargeliyo dib-u-habeynta maamulka.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Baydhabo
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Baydhabo

Socdaalkan ayaa lagu tilmaamayaa mid muhiim u ah marxaladda kala guurka ah ee uu marayo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo laga sugayo hoggaamiyaha inuu door muuqda ka qaato dejinta xaaladda siyaasadeed iyo dhismaha maamul hufan oo rasmi ah.