Golaha wasiirrada oo maanta kulankoodi ku gorfeeyay amniga, abaaraha iyo duulimaadyada

Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, iyagoo si ballaaran uga wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, abaaraha ba’an ee ka jira qaybo badan oo dalka ah, iyo tallaabooyinka dowladeed ee wax looga qabanayo xaaladahaas.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda, Xamse Cabdi Barre ayaa lagu falanqeeyay sida loo xoojin karo amniga guud ee dalka, loona dardargelin karo gurmadka bani’aadannimo ee loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha iyo isbeddelka cimilada.

Golaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo u dhaxeeysa hay’adaha dowladda, maamul goboleedyada iyo saaxiibada caalamiga ah.

Intii uu kulanku socday, golaha wasiirrada ayaa ansixiyay soo jeedinta wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ee magacaabista guddoomiyaha hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed, waxaana xilkaas loo magacaabay Liibaan Cabdi Cigaal, si uu hoggaamiyo dadaallada la xiriira daryeelka iyo dib-u-dejinta qaxootiga iyo barakacayaasha dalka.

Golaha ayaa sidoo kale warbixinno faahfaahsan ka dhageystay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada, kuwaas oo ka hadlay saameynta bacaadka iyo isbeddelka cimilada ku yeesheen nolosha iyo dhaqaalaha dalka.

Dhanka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, waxaa lasoo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda badqabka duulimaadyada gudaha, iyadoo la shaaciyay in tallaabooyin laga qaaday diyaarado aan buuxin shuruudaha badqabka, lana magacaabay guddi farsamo oo qiimeyn doona tayada diyaaradaha iyo heerka adeegyada ay bixiyaan.

Dhanka kale, golaha wasiirrada ayaa meel mariyay axdiyo caalami ah oo muhiim u ah ilaalinta badaha iyo xoojinta doorka Soomaaliya ee iskaashiga caalamiga ah.

Axdiyada la ansixiyay ayaa la xiriira magdhowga waxyeelada wasakhaynta shidaalka, diyaargarowga iyo ka jawaabista wasakhowga saliidda, iyo xeerarka kahortagga isku-dhacyada maraakiibta badda.

Ugu dambeyn, golaha wasiirrada ayaa ansixiyay siyaasadda qaran ee iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo lagu hagayo jihada iyo mudnaanta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo danaha Qaranka, loona xoojiyo xiriirka Soomaaliya la leedahay beesha caalamka.