Hay’adda Qatar Charity oo deeq raashiin gaarsiisay qoysaska danyarta ah ee Soomaaliyeed

Hay'adda Qatar Charity oo deeq raashiin gaarsiisay qoysaska danyarta ah ee Soomaaliyeed
Hay'adda Qatar Charity oo deeq raashiin gaarsiisay qoysaska danyarta ah ee Soomaaliyeed

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa safaaradda dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u bilawday qeybinta deeqo raashiin ah oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah, gaar ahaan kuwa saameynta ugu weyn kasoo gaartay abaarta iyo xaaladaha nololeed ee adag inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Munaasabadda daahfurka deeqahan ayaa ka dhacday xarunta lagu xanaaneeyo carruurta agoonta ee Booliska Soomaaliyeed, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo wakiillo ka socday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).

Ujeedadeeda munaasabaddaan ayaa ahayd in la muujiyo wada-shaqeynta hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee gargaarka bani’aadannimo, loona fududeeyo gaarsiinta gargaar deg-deg ah oo ku wajahan dadka ugu nugul.

Guddoomiyaha Qatar Charity ayaa sheegay in deeqda raashiinku ay ka kooban tahay cuntooyin aas-aasi ah oo ku filan qoysaska danyarta ah, isla markaana gargaar dheeraad ah la gaarsiin doono qoysas kale oo u baahan, taasoo qeyb ka ah barnaamijyada joogtada ah ee hay’adda.

Qoysaska Soomaaliyeed ee danyarta ah oo raashiinka loo qeybiyay

Dhinaca kale, mas’uuliyiintii ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo SoDMA ayaa uga mahadceliyay Qatar Charity taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, iyagoo xusay in deeqahani ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan xoojinta gurmadka bani’aadannimo, ilaalinta caafimaadka iyo daryeelka carruurta, ka hortagga saboolnimada, iyo kor u qaadida xasiloonida bulshada, gaar ahaan xilliyada ay dadka u baahan yihiin taageero deg-deg ah sida bisha Ramadaan.

Si kastaba ha ahaatee, qarashka iyo qorsheynta mashruucan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay dadaallada Qatar Charity ee lagu gaarsiinayo gargaar toos ah dadka ugu nugul, iyadoo la qorsheeyay in deeqo dheeraad ah la gaarsiiyo deegaano badan oo dalka ka mid ah, si loo xaqiijiyo in gargaar bani’aadannimo uu gaaro dhamaan qoysaska u baahan.