Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo saxiixay xeer lagu ilaalinayo nadaafadda iyo deegaanka Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo saxiixay xeer lagu ilaalinayo nadaafadda iyo deegaanka Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay xeer gaar ah oo nidaaminaya maareynta qashinka, nadaafadda guud iyo dhowrista deegaanka magaalada Muqdisho.

Xeerkan cusub ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee si gaar ah diiradda u saara arrimaha nadaafadda iyo qashin maareynta ee Muqdisho, iyadoo maamulka gobolka uu ku tilmaamay mid saldhig u noqon doona dadaalada lagu horumarinayo bilicda iyo caafimaadka bulshada ku nool caasimadda.

Munaasabadda lagu saxiixayay xeerka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka gobolka, hay’adaha garsoorka, sharci-yaqaanno, xildhibaanno, odayaal dhaqameed, culimo, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo saxiixay xeer lagu ilaalinayo nadaafadda iyo deegaanka Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhaqan-gelinta xeerkan ay muhiim u tahay dhismaha magaalo nadiif ah oo leh jawi caafimaad qaba, isagoo caddeeyay in talaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo jebisa qawaaniinta ku xusan xeerka.

Ugu dambeyn, guddoomiye Muungaab ayaa ugu baaqay shacabka, ganacsatada iyo dhammaan hay’adaha ka howlgala caasimadda inay door muuqda ka qaataan hirgelinta xeerkan, si loo xaqiijiyo Muqdisho nadiif ah, lana helo bulsho caafimaad qabta isla markaana leh deegaan si wanaagsan loo ilaaliyo.