Golaha wasiirrada oo xilka ka qaaday taliyihii ciidanka asluubta islamarkaana magacaabay taliye cusub

Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya

Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka qaaday taliyihii ciidanka asluubta, Jen. Mahad C/raxmaan Aadan (Taliye Shub), islamarkaana xilkaasi u magacaabay Maxamed Xasan Xaamud, oo horey u soo noqday taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Mas’uulka cusub ee la magacaabay ayaa lagu tilmaamaa siyaasi khibrad u leh dhinaca amniga, isagoo horey uga soo qabtay xilal muhiim ah oo ay ka mid tahay hoggaaminta ciidanka booliska islamarkaana ah shaqsi kasoo horjeeda siyaasadda madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen.

Dhinaca kale, Taliye Shub oo la sheegay inuu qaraabo dhaw la yahay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa muddooyinkii u dambeysay si weyn u taageerayay siyaasadiisa, taas oo ugu dambeyn keentay in xilka laga qaado.

Labada mas’uul ee xilalka la isugu beddelay ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, taas oo ka tarjumayso loollan siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.