Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Xoghayaha Guud iyo sidoo kale xubinnimadii uu ka hayay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo uu hoggaamiyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
War-saxaafadeed uu soo saaray xildhibaanku ayuu ku sheegay in go’aanka is-casilaaddiisa uu ka dhashay kala aragti duwanaansho qotodheer oo kala dhaxeeyay guddoomiyaha xisbiga JSP, ahna madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaan Odowaa oo faahfaahin ka bixiyay waxa uu khilaafkaasi salka ku hayo ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu talada dalka iyo tan xisbiga isaga isku soo koobay, islamarkaana uusan tixgelin siin ra’yiga ka duwan midkiisa, isagoo meesha ka saaray wada-tashigii iyo talo-wadaagga hay’adaha dowladda iyo saaxiibada siyaasadeed.
Odowaa ayaa sheegay inuu ka biyo diiday hannaanka wax-ka-beddelka dastuurka oo uu ku tilmaamay mid aan loo marin hannaan mideynaya bulshada Soomaaliyeed, isla markaana wax u dhimaya qodobbada muhiimka u ah midnimada iyo nidaamka federaalka.
Xildhibaanku wuxuu tilmaamay inay madaxweyne Xasan Sheekh isku khilaafeen nooca doorasho ee dalka la doonayo inay ka dhacdo, isagoo sheegay in madaxweynaha uu ku adkeysanayo hannaan uu natiijadiisa xakameyn karo, halka isaga uu aaminsan yahay in doorashooyinka ay noqdaan kuwo lagu heshiiyo oo ay wada oggol yihiin saamileyda siyaasadda dalka.
Ugu dambeyn, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa sheegay inuu wajihi doono jiho siyaasadeed oo cusub, isaga oo ballanqaaday inuu la shaqeyn doono cid kasta oo ay ka mideysan yihiin ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo danaha qaranka.