Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si adag uga horyimid tallaabadii uu guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), shalay ugu magacaabay guddoomiyeyaal cusub degmooyinka Dayniile, Gubadlay iyo Shangaani, iyagoo tallaabadaasi ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn xeerarka doorashooyinka iyo dastuurka dalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in xilligan uu dalku ku jiro marxalad doorasho oo xasaasi ah, taas oo u baahan in si buuxda loo ilaaliyo nidaamka iyo habraacyada sharciyeed ee lagu hagayo geeddi-socodka doorashooyinka.
Guddigu wuxuu carrabka ku adkeeyay inaan la oggolayn wax isbeddel ah oo lagu sameeyo maamulka heer degmo inta lagu guda jiro howlaha doorashooyinka, maadaama arrintaasi si toos ah u wiiqi karto hufnaanta iyo kalsoonida nidaamka.
Dhinaca kale, guddiga ayaa ka digay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay horseedi karaan jahawareer siyaasadeed iyo mid maamul, isla markaana ay dhaawici karaan kalsoonida shacabka ee ku aaddan hannaanka doorashooyinka dalka.
Ugu dambeyn, wuxuu guddigu ugu baaqay dhammaan hay’adaha dowladda iyo mas’uuliyiinta ku lugta leh arrimaha doorashooyinka inay si buuxda u ilaaliyaan dastuurka iyo xeerarka dalka, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo carqaladeyn kara geeddi-socodka doorashooyinka, si loo xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah.
