Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta bilaabay dhaqdhaqaaqyo cusub oo ay ku doonayaan inay door dhexdhexaadin ah ka qaataan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka.
Guddigan oo ka kooban isimmo ka kala socda beelo kala duwan ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan kulan u gaar ah, kaas oo ay uga tashanayaan habka ugu habboon ee ay u wajihi karaan dadaallada dhexdhexaadinta, si loo abuuro jawi wadahadal oo horseedi kara xal siyaasadeed oo la isla oggol yahay.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in odayaashu ay qorsheynayaan kulamo gaar gaar ah oo ay la yeeshaan dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka, si ay u dhageystaan aragtiyahooda una soo jeediyaan talooyin wax ku ool ah oo lagu dejin karo xiisadda sii kordheysa.
Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku booriyay hoggaanka dhaqanka inay sii xoojiyaan kaalintooda, iyagoo ku adkeystay in odayaasha ay yihiin laf-dhabarta bulshada, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadan karaan xalinta khilaafka jira.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hore u caddeeyay inuusan talada ku koobnayn dhinac gaar ah, balse ay dowladiisa ka go’an tahay hirgelinta qorshaha doorasho qof iyo cod ah, taasoo sii kordhisay dooda siyaasadeed ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, dadaalladan dhexdhexaadinta ah ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed, iyadoo la raadinayo xal mideysan oo looga gudbo muranka doorashooyinka iyo hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka.