War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa si rasmi ah loogu shaaciyay jadwalka doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee ka dhacaya maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari Soomaaliya.
Afhayeenka guddiga C/fitaax Faysal Xuseen oo war-saxaafadeedka u aqriyay warbaahinta ayaa sheegay in doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabelle ay si wadajir ah u dhici doonaan 13-ka May, halka doorashada goleyaasha deegaanka ee Waqooyi Bari loo asteeyay 30-ka June ee sanadkan.
Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in 28-ka Abriil 2026 si rasmi ah loo qaban doono doorashada golaha wakiillada iyo goleyaasha deegaanka ee Koonfur Galbeed, iyadoo la tilmaamay in diyaar-garowga doorashadaasi uu si habsami leh u socdo isla markaana uu marayo heer wanaagsan.
Guddiga ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay xulista musharraxiinta u tartamaya goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiillada, halka xisbiyada siyaasadda lagu wargeliyay inay soo gudbiyaan liisaska wakiilladooda ee goobaha codbixinta.
Guddigu wuxuu intaas ku daray in diyaar-garowga guud ee doorashooyinka uu marayo heer gabagabo ah, iyadoo horay loo dhameystiray diiwaangelinta codbixiyeyaasha, qaybinta kaararka aqoonsiga, asteeynta goobaha codbixinta, iyo tababarka shaqaalaha ku-meel-gaarka ah ee maalinta doorashada.
Dhinaca kale, guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in qorshahan uu yahay qayb ka mid ah wejiga labaad ee hirgelinta nidaamka doorashooyinka goleyaasha deegaanka, kaas oo lagu fulinayo si waafaqsan xeerarka doorashooyinka dalka.
Ugu dambeyn, guddigu wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si hufan uga qeyb qaataan geeddi-socodka doorashada, isla markaana xisbiyada siyaasadda lagu dhiirrigeliyay inay dhammaystiraan dhammaan howlaha la xiriira musharraxiinta iyo wakiillada si doorashooyinku ugu dhacaan si habsami leh.