Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah wasaaradaha muhiimka ah ee maamulka, si uu u qiimeeyo hufnaanta shaqo iyo socodka adeegyada ay dowladdu siiso bulshada.
Hoggaamiyaha ayaa booqday wasaaradaha kala ah Amniga, Cadaaladda, Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Dastuurka iyo Gargaarka, kuwaas oo dhammaantood ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee adeegyada maamulka.
Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta shaqada hay’adaha dowladda, kor u qaadista isla xisaabtanka, iyo xoojinta waxqabadka adeegyada loo fidiyo shacabka.
Sidoo kale, hoggaamiyaha ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta wasaaradaha, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha socda, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka.
Wuxuu si gaar ah ugu adkeeyay mas’uuliyiinta inay laba jibbaaraan dadaallada ay ugu adeegayaan shacabka, isla markaana ay mudnaan siiyaan tayada adeegyada, hufnaanta shaqada iyo daahfurnaanta maamulka.
Ugu dambeyn, hoggaamiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashi dhex mara hay’adaha kala duwan ee dowladda, si loo gaaro horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo ay helaan muwaadiniinta ku nool Koonfur Galbeed Soomaaliya.