Iiraan oo sheegtay in marinka Hormuz dib loogu fasaxay maraakiibta ganacsiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi ayaa sheegay in marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz uu si buuxda ugu furan yahay maraakiibta ganacsiga ee u kala goosha caalamka inta lagu jiro muddada xabbad-joojinta.

Wasiirka ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in heshiiska xabbad-joojinta ee la xiriira xaaladda gobolka uu qeyb ka yahay oggolaanshaha in maraakiibta ganacsigu si xor ah ugu kala gooshi karaan marinka Hormuz inta uu socdo heshiiskaasi.

Araghchi wuxuu sidoo kale xusay in maraakiibta lagu hagayo nidaam iyo jadwal ay hore u diyaarisay hay’adda dekedaha iyo maraakiibta ee Iiraan, iyadoo ku dhawaaqista dib-u-furista marinka Hormuz ay si degdeg ah u saameysay suuqyada tamarta ee caalamka.

Marinka Hormuz ayaa ah mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee dunida, waxaana maalin kasta mara maraakiib badan oo sida saliid iyo gaas dabiici ah oo loo dhoofiyo suuqyada kala duwan ee caalamka.