Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo mooshin laga keenay

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)
Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)

In ka badan 100 xildhibaan ayaa gudbiyay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaasoo looga dalbanayo in kalsoonida laga qaado.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu eedeeyay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin inuu ka leexday habraacyada sharciga ee Baarlamaanka, gaar ahaan inuu ku xad-gudbay nidaamyada loo dejiyay ansixinta qodobbada dastuurka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa lagu eedeeyay inuu awooddiisa u isticmaalay si aan waafaqsanayn xeer-hoosaadka Baarlamaanka, isagoo faragelin ku sameeyay hawlaha Baarlamaanka, taasoo keentay in nidaamka Baarlamaanka uu noqdo mid aan si fiican u shaqeynayn.

Dhinaca kale, waxaa la sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe uu marar badan meel-mariyay codayn aan buuxin kooramkii loo baahnaa, taasoo ka dhigaysa go’aanada Baarlamaanka kuwo aan sharci ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, mooshinkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan arrimaha dib u eegista dastuurka, taasoo keentay in xildhibaannada ay kala qeybsamaan.