Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu falanqeeyay fursadaha lagu horumarin karo wada-shaqeynta dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, ganacsiga iyo arrimaha horumarinta, si loo sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dowladda Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta ay ka qaadato horumarinta dalka, taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Dhankiisa, Danjire Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad ayaa xaqiijiyay sida ay Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, isaga oo xusay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada iyo iskaashiga uu la leeyahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Danjiraha ayaa bogaadiyay horumarrada laga sameeyay dhinacyada amniga, dowlad-dhiska iyo xasiloonida dalka, isagoo tilmaamay in guulahaasi ay sare u qaadeen kalsoonida caalamiga ah ee Soomaaliya isla markaana ay abuureen jawi ku habboon maalgashi iyo iskaashi dhaqaale.
Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa qeyb ka ah dadaalada socda ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay kor u qaadidda iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo horumarineed ee ka dhaxeeya labada dowladood.