Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Deni oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni ayaa gelinkii dambe ee maanta si diiran loogu soo dhaweeeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa Muqdisho uga qayb geli doona shir ay garwadeen ka yihiin wakiillada beesha caalamka, kaas oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ka qabsoomo gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii dhinacyada siyaasadda ay heshiis uga gaari lahaayeen xaaladda cakiran ee dalka kahor 15-ka May, oo ku eg muddo-xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in wakiillada beesha caalamka ay dhageysan doonaan aragtiyaha kala duwan ee dhinacyada siyaasadda, si loo helo meel dhexe oo lagu mideeyo mowqifyada iska soo horjeeda, loogana hortago fashilka wada-hadallada.

Sidoo kale, dadaalladan diblomaasiyadeed ayaa lagu doonayaa in laga baaqsado qalalaase siyaasadeed iyo xaalad firaaq dastuuri ah oo dalka ka dhalata, iyadoo xiisadaha siyaasadeed ay sii xoogeysanayaan maalmaha ka horreeya dhammaadka muddo-xileedka dowladda federaalka Soomaaliya.