Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.
Wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, wasiiro ka tirsan dowladda federaalka, xildhibaanno ka kala socda labada Aqal ee baarlamaanka, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo sar sare, kuwaas oo u tagay Baydhabo arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Wararka laga helayo ilo dowladda ah ayaa tilmaamaya in safarkan uu qayb ka yahay dadaallo ay dowladda federaalka ku dooneyso xoojinta xasilloonida siyaasadeed iyo dib-u-habeynta maamulka Koonfur Galbeed, xilli ay jiraan isbeddello iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka socda gobolka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ayaa ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed inay muujiyaan midnimo, isla markaana ay taageeraan dowladnimada iyo hanaanka dowladeed ee dalka.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Koonfur Galbeed inay mideeyaan cududdooda, isla markaana ay garab istaagaan dowladnimada, si loo gaaro horumar iyo xasillooni waarta,” Sidaas waxaa yiri guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Aadan Madoobe.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ka dhaxeysa dowladda federaalka iyo shacabka, si loo xaqiijiyo nabad, horumar iyo hannaan dowladeed oo ku dhisan wada-tashi iyo ka qeybgal.

Dhinaca kale, wafdigan ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed iyo mustaqbalka maamulka.

Si kastaba ha ahaatee, wafdigaan gaaray magaalada Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xilli magaaladaasi ay weli kusii qulqulayaan wafdi kala duwan oo ka socda dowladda federaalka, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xasilinayo siyaasadda iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo la qorsheynayo dhismaha maamul cusub oo lagu saleeyo nidaamka doorasho “qof iyo cod ah”.