Hawlgal ka dhacay gobolka Sh/hoose oo lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab

Diyaarad duqeyn ka geystay qeyb ka mid ah Soomaaliya

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay qaar ka mid ah deegaanada gobolka Sh/hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalka, oo isugu jiray dagaal toos ah iyo duqeyn, uu ka dhacay deegaanka Buulo Cabdalla oo u dhaxeeysa degmooyinka Mubaarak iyo Ugunji, halkaas oo lagu dilay 22 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

Xubnaha la dilay ayaa waxaa ku jiray horjooge lagu magacaabo Cabdiraxmaan Jeeri, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa saraakiisha kooxda ee dhibaateeya shacabka rayidka ah.

Dhinaca kale, saraakiisha milatariga ayaa sheegay in hawlgalkani uu si weyn u wiiqay awooddii kooxda ee deegaankaas, isla markaana lagu burburiyay fariisimo muhiim ah oo ay halkaas ku lahaayeen, taasoo qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga Koonfurta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay saaxiibbada caalamka taageerada ay siiyaan hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, iyadoo xustay in iskaashigaasi uu door muhiim ah ka leeyahay guulaha laga gaarayo dagaalka socda.

Hawlgal ka dhacay gobolka Sh/hoose oo lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab