Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa munaasabad casho-sharaf ah oo ka dhacday xarunta madaxtooyada qaranka ku maamuusay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee ka kala yimid guud ahaan dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa odayaasha dhaqanka ku ammaanay doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin nabadeynta, dib-u-heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo ilaalinta midnimada ummadda, isagoo xusay in kaalintooda ay laf-dhabar u tahay xasilloonida iyo wadajirka bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay hoggaanka dhaqanka horumarrada ay dowladdu ka sameysay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo daadejinta maamulka, isaga oo tilmaamay in guulahaas ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada dalka.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ka tanaasuli doonin hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, isagoo ku tilmaamay qorshahaasi mid lagama maarmaan u ah xaqiijinta xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka Soomaaliyeed.

“Lama aqbali karo in laga tanaasulo xaqa ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin inay si toos ah u doortaan hoggaankooda 57 sano kadib” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo intaas ku daray in nidaamyadii hore ay sababeen caqabado siyaasadeed iyo amni darro.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah isimada dhaqanka ee ka qeybgalay kulanka casho-sharafta ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh casuumaadda iyo maamuuska, iyagoo bogaadiyay guulaha laga gaaray amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu tixgeliyo talooyinka bulshada kana fogaado go’aano muran dhalin kara, gaar ahaan kuwa la xiriira hirgelinta doorasho aan si buuxda loogu wada heshiin.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, iyadoo ay jiraan cadaadisyo gudaha iyo dibadeed oo la xiriira jihada siyaasadeed iyo mustaqbalka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya.