Xubnaha mucaaradka iyo beesha caalamka oo kulan ku yeeshay xerada Xalane ee Muqdisho

Xubnaha mucaaradka iyo beesha caalamka oo kulan ku yeeshay xerada Xalane ee Muqdisho

Xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay wakiillo ka socda beesha caalamka, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.

Kulanka oo ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan muranka ka taagan qaabka loo wajahayo doorashooyinka aan weli lagu heshiin.

Sidoo kale, madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland oo kulankaasi uga qeyb-qaatay qaab muuqaal ah, ayaa looga dooday qorshaha dowladda federaalka ee doorasho qof iyo cod ah, taas oo mucaaradku ku tilmaameen mid aan laga gaarin heshiis siyaasadeed loo dhan yahay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan caddeeyay in dowladdiisu aysan marnaba ka tanaasuli doonin hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isagoo ku adkeystay in qorshahaasi yahay mid lama huraan u ah dimuqraadiyeynta dalka.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa weli u muuqata mid cakiran, iyadoo is-mariwaaga u dhaxeeya mucaaradka iyo dowladda federaalka uu sii kordhinayo walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.