Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay shirka uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS)

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa soo dhaweysay go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu shirka wadatashi ugu fidiyay siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Qoraal ay soo saartay UNTMIS ayaa lagu sheegay in casuumaaddan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo is-afgarad qaran oo ku saabsan arrimaha mudnaanta leh, xilli dalka uu marayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah oo u baahan wada-tashi ballaaran iyo isku tanaasul siyaasadeed si looga gudbo caqabadaha jira.

Hay’addu waxay si gaar ah ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay si firfircoon uga qayb qaataan wada-hadallada, iyadoo lagu saleynayo mabda’ wada-shaqeyn iyo niyad-wanaag, si loo helo xal waara oo lagu yareeyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

Sidoo kale, UNTMIS ayaa tilmaamtay in wada-hadallada noocan ahi ay fursad u yihiin xoojinta kalsoonida siyaasadeed iyo hagaajinta xiriirka u dhexeeya dhinacyada kala aragtida duwan, taasoo muhiim u ah xasilloonida dalka.

Ugu dambeyn, UNTMIS ayaa xaqiijisay inay diyaar u tahay, iyada iyo beesha caalamkaba, inay sii wadaan taageerada ay siiyaan dadaallada lagu xoojinayo hannaan siyaasadeed oo hufan oo loo dhan yahay, kaas oo wax looga qabanayo caqabadaha siyaasadeed ee weli horyaalla Soomaaliya, isla markaana lagu gaari karo nabad iyo xasillooni waarta.