Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Soomaaliya ahna Xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka federaalka Fardowsa Cismaan Cigaal, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay iska casishay xilkii iyo xubinimadii ay ka haysay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraal ay xildhibaanaddu ku baahisay barteeda Facebook ayay ku sheegtay go’aanka ay qaadatay, iyadoo caddeysay inay gebi ahaanba iska casishay xubinimada xisbiga JSP.
“Aniga oo ah Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal, waxaan iska casilay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo aan ka ahaa Xoghayaha Batroolka iyo Macdanta,” ayay ku tiri qoraalka ay soo dhigtay barteeda Facebook.
Ilaa iyo hadda, Xildhibaanad Fardowsa ma shaacin sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya go’aankeeda, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo ay ka bixisay duruufaha ku xeeran iscasilaaddeeda.
Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajir (JSP), ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaan weli wax war ah kasoo saarin iscasilaadda xildhibaanadda, taas oo kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka.