Siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo jeeda gobolka Banaadir ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si faah-faahsan ugu caddeynayaan mowqifkooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, wixii ka dambeeya 15-ka May 2026.
War-saxaafadeedka oo ka koobnaa afar qodob oo waaweyn ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin muddo-xileedka madaxweynaha, dhowrista dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.
Waxay mucaaradku sheegeen in laga bilaabo 15-ka May 2026 aysan u aqoonsan doonin Xasan Sheekh Maxamuud inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse uu noqon doono muwaadin caadi ah oo la mid ah shacabka.
Sidoo kale, waxay dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyeen inay ka gaabisay hirgelinta doorashooyin waqtigoodii ku qabsooma, isla markaana ay ku fashilantay ilaalinta dastuurka iyo xeerarka dalka, taasoo ay sheegeen inay keeni karto jahawareer siyaasadeed iyo mid dastuuri ah.
Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka maamul goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyagoo tilmaamay in dib u dhaca doorashooyinkaasi uu sii xoojinayo khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay baahida loo qabo wadahadal qaran oo loo dhan yahay, kaas oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada, si xal mideysan loogu helo marxaladda kala-guurka ee dalka, iyadoo lagu dhisayo is-aaminaad iyo ka fogaanshaha go’aanno hal dhinac ah.



