Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la kulmay duqa degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la kulmay duqa degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyadda maamulka Koonfur Galbeed kulan kula qaatay guddoomiyaha degmada Baydhabo, ahna duqa degmadaasi, C/laahi Cali Watiin.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee degmada Baydhabo, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo dadaallada maamulka degmada uu ku xoojinayo maamul wanaagga iyo horumarinta kaabeyaasha nolosha ee degmada.

Duqa degmada Baydhabo ayaa madaxweynaha uga warbixiyay xaaladda amni ee degmada, isaga oo sheegay in maamulka degmada uu wado dadaallo lagu adkeynayo sugidda amniga si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ay ku naaloodaan shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa si weyn u bogaadiyay shaqada iyo dadaallada ay wadaan maamulka degmada Baydhabo, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si loo xaqiijiyo amni waara, horumar la taaban karo, iyo adeegyo bulsho oo tayo leh oo ay helaan shacabka magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka ay ku xoojineyso wada-shaqeynta maamul goboleedyada dalka, si loo dardargeliyo horumarka loona xaqiijiyo adeegyo dowladeed oo hufan oo gaara dhammaan shacabka Soomaaliyeed.