Hoggaamiyaha ku-meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil C/rashiid Xaaji, ayaa maanta xarunta madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada iyo isku-duwaha gargaarka degdegga ah, Tom Fletcher.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan gargaarka bani’aadannimo, wax ka qabashada saameynta abaaraha, iyo taageerada dadka barakacay ee ku nool deegaannada maamulka.

Jibriil C/rashiid Xaaji ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadato taageerada shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in baahiyaha bani’aadannimo ay sii kordhayaan loona baahan yahay in si degdeg ah loo xoojiyo gurmadka iyo mashaariic horumarineed oo wax ka taraya nolosha dadka ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha.
Ugu dambeyn, Tom Fletcher ayaa dhankiisa sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadeyso taageerada ay siiso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku jira xaaladaha nugul, isagoo tilmaamay in booqashadan ay qeyb ka tahay qiimeyn dhab ah oo lagu sameynayo xaaladda bani’aadannimo ee gobollada dalka.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaas oo kumannaan qoys ay weli wajahayaan duruufo adag oo isugu jira abaar, barakac iyo adeegyo aasaasi ah oo kooban.