Xubnaha cusub ee golaha deegaanka gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah loo dhaariyay, kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Tirada xubnaha la dhaariyay ayaa gaareysa 390, kuwaas oo lagu soo doortay hannaan doorasho oo “qof iyo cod ah”, taas oo astaan u ah dib u soo nooleynta nidaamka dowladnimo ee heer deegaan.
Xafladda dhaarinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirrada, madaxda hay’adaha doorashooyinka, maamulka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud, ayaa dhaariyay xubnaha cusub, isagoo kula dardaarmay inay u hoggaansamaan sharciga iyo waajibaadka loo igmaday.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka, C/kariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshaha ballaaran ee lagu hirgelinayo doorashooyin heerar kala duwan leh, isagoo xusay in dhawaan la shaacin doono jadwalka doorashooyinka ka dhici doona Koonfur Galbeed.
Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa si kala duwan ula hadlay xubnaha cusub, iyagoo ku booriyay inay ka shaqeeyaan horumarinta adeegyada bulshada iyo ilaalinta danta guud, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan shacabka ay matalayaan.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in doorashadan ay tahay mid taariikhi ah, maadaama ay dib u soo celinayso nidaam doorasho oo muddo dheer hakad ku jiray, taas oo muujinaysa horumar laga gaaray dhismaha dowladnimo.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa lagu qiimeeyay mid muhiim u ah xoojinta maamulka deegaanada iyo kordhinta ka-qaybgalka shacabka ee go’aan qaadashada, iyadoo dowladda federaalka ay dadaal ugu jirto in la ballaariyo dalka nidaamka doorashooyinka “qof iyo codka ah”.