Hoggaamiye Al-shabaab ka tirsan oo isku soo dhiibay ciidamada daraawiishta Galmudug

Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada daraawiishta Galmudug
Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada daraawiishta Galmudug

C/raxmaan Talxo Shuuke, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Al-shabaab, ayaa maanta si rasmi ah isku dhiibay ciidamada Daraawiishta ee Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr ee mas’uulka ka ah illaalinta madaxtooyada Galmudug.

Ciidamadaan ayaa toddobaadyadii u dambeeysay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka fullinayay deegaanada Labadulle iyo Ceelahelay ee gobolka Galgaduud.

C/raxmaan Talxo Shuuke ayaa sheegay inuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha kooxda loo yaqaan Jabhadda ee Galgaduud, isaga oo ka yimid deegaanka Ceelgaras, isla markaana watay qori iyo boorso hub ah.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli Al-shabaab ay wajahayaan cadaadis xooggan,, kadib howlgallo qorsheysan oo ay ciidamada qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ka bilaabeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalkaan ayaa ka mid ah guulaha isdaba-joogga ah ee ciidamada dowladda ka gaareen gobolka, iyadoo saraakiishu ay tilmaameen in isku dhiibista C/raxmaan Talxo Shuuke ay tahay talaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa ammaanka isla markaana taageeraysa howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab.