Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub

Ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub
Ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub, islamarkaana uu hogaaminayay Jeneraal Seán Clancy, oo ah guddoomiyaha Golaha Ciidanka Xoogga ee Midowga Yurub (CEUMC).

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, iyo Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Adeegga Arrimaha Dibadda Midowga Yurub (EEAS), Jonas Jonsson.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta u dhaxaysa Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Midowga Yurub ee dhinacyada amniga, la-dagaallanka kooxaha khawaarijta, iyo xasilloonida dalka.

Ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wafdiga uga warbixiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib-u-xoraynta deegaannada ay kooxaha Al-shabaab ka tallinayaan, iyo sida loo xaqiijinayo amniga guud ee dalka, oo uu sheegay inuu gaaray heer sare, ka dib wada-shaqaynta hey’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaare Xamse sheegay in xukuumadda DanQaran ay go’aan adag ka qaadatay sidii loo dardar gelin lahaa geeddi-socodka dimuqraadiyadda, isagoo muujiyay in shacabka Soomaaliyeed loo celin doono awoodda ay ku doortaan madaxda iyaga matalaya.

Wafdiga Midowga Yurub ayaa cadeeyay inay sii wadi doonaan taageeradooda, oo ay ku jirto tababarka ciidamada Soomaaliyeed iyo ka qeyb qaadashada geeddi-socodka dowlad-dhiska. Waxay sidoo kale taageereen gogosha ay xukuumadda DanQaran fidisay, iyagoo sheegay in qofkasta uu waajib ku yahay ka qeyb qaadashada.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu mahad-celiyay Midowga Yurub taageeradooda muhiimka ah ee ku aaddan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ilaalinta madax-bannaanida dhuleed ee dalka, iyo gargaarka bani’aadantinimo ee ay siiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa muujinaya sida ay labada dhinac ee Midowga Yurub iyo dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay inay sii xoojiyaan xiriirkooda, gaar ahaan dhinacyada amniga, dimuqraadiyadda, iyo horumarinta dalka.