Dowladda Mareykanka ayaa sanadkaan kordhisay duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo halis aad u weyn ku ah geeska Afrika.
Taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa sheegay tan iyo 1-da Janaayo ee sanadkaan, in ciidamada Mareykanka ay Soomaaliya ka fuliyeen illaa 23 duqeyn oo lala beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha ka tirsan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.
Weeraradaan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay dadaalada ballaaran oo ay dowladda Mareykanku ka waddo qaaradda Afrika, si uu ula dagaallamo dagaalyahannada xiriirka la leh Daacish iyo khataraha kale ee argagixisada.
Bishii la soo dhaafay, hoggaamiyaha sare ee Al-shabaab, C/laahi Cismaan Maxamed Abuukar, oo loo yaqaanay “Injineer Ismaaciil,” ayaa lagu dilay howlgallo wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ee degmada Jilib, gobolka Jubbada Dhexe.
Bishii lasoo dhaafay, hoggaamiyaha sare ee Al-shabaab, C/laahi Cismaan Maxamed Abuukar oo loo yaqaanay “Injineer Ismaaciil” ayaa lagu dilay howlgallo wadajir ah oo ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ka fulliyeen degmada Jilib ee gobolka J/dhexe.
Dilka hoggaamiyahaan ayaa loo arkaa guul milateri oo muhiim ah, maadaama uu ka mid ahaa hogaamiyeyaasha ugu saameynta badan ee Al-shabaab, islamarkaana ka dambeeyay weeraro badan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya iyo gobolka.
Dhinaca kale, xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka ayaa cakiran, taasoo keentay in Mareykanku joojiyo gargaarka bani’aadminimo ee uu siin jiray Soomaaliya.
Tani waxay saameyn muuqata ku yeelatay hay’adaha samafalka iyo bulshada rayidka ah, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay la kulmaan barakac, macluul, iyo helitaan xadidan oo adeegyada aasaasiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee Mareykanku ka wado dagaalka Al-shabaab iyo Daacish, iyadoo ciidamada gudaha iyo kuwa Mareykanka ay si dhow ula shaqeynayaan si loo sugo ammaanka gudaha iyo gobolka, inkastoo xaaladda bani’aadminimo iyo diblomaasiyadeed ay weli cakiran tahay.