IGAD oo war kasoo saartay khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka

Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu

Urur goboleedka IGAD ayaa war kasoo saaray khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo labada dhinac ugu baaqday inay sii wadaan wadahadallada si ay heshiis uga gaaraan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo qodobbada weli lagu muransan yahay.

Bayaan kasoo baxay IGAD ayaa lagu soo dhaweeyay wadahadalladii tooska ahaa ee dhexmaray dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, iyadoo urur goboleedku ku boorriyay in wadahadalladaas lasii wado si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafaadka taagan.

IGAD ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysay in wadahadal siyaasadeed oo joogto ah uu muhiim u yahay ilaalinta xasilloonida dalka, xoojinta dowlad-dhiska iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, urur goboleedka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan xal mideynaya shacabka, kor u qaadaya kalsoonida bulshada iyo ilaalinta mustaqbalka fog ee dowladnimada iyo hay’adaha qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, bayaanka IGAD ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo muranka ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

IGAD oo war kasoo saartay khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka