Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan kullamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni.
Kullamadaasi siyaasadeed ayaa la sheegay in looga soo horjeeda hab-maamulka madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni, kaas oo lagu eedeeyay inuusan aaminsaneyn qaranimada Soomaaliya, islamarkaana uu caqabad ku yahay dadaallada lagu difaacayo midnimada iyo wadajirka dalka.
Siyaasiyiinta ku sugan magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta u sheegay in uljeedkooda ugu weyn uu yahay inay u kuur-galaan xaaladda nololeed iyo tan amni ee ka jirta deegaanada Puntland, islamarkaana ay la tashiyo ballaaran la yeeshaan bulshada deegaanka.
Dhaq-dhaqaaqyadaan siyaasadeed ayaa noqon kara mid saameyn weyn ku yeesha xasilloonida siyaasadeed ee deegaanada Puntland, islamarkaana ay sii kordhaan khilaafaadka u dhaxeeya hoggaanka maamulka iyo mucaaradka.
Si kastaba ha ahaatee, sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in dhaq-dhaqaaqyadaan siyaasadeed ay wiiqaan amniga, horumarka iyo wada-shaqeynta maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.