Xildhibaanada mucaaradka oo maanta carqaladeeyay kulanka wax ka-bedelka dastuurka KMG

Xildhibaanada mucaaradka oo carqaladeeyay kulanka wax ka-bedelka dastuurka KMG
Xildhibaanada mucaaradka oo carqaladeeyay kulanka wax ka-bedelka dastuurka KMG

Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxaa maanta hareeyay jahwareer iyo buuq, iyadoo la filayay in la guda galo dood ku saabsan isbeddel lagu samaynayo qeybo ka mid ah dastuurka KMG.

Xildhibaano ka tirsan mucaaradka ayaa si kedis ah u galay hoolka kulanka, iyagoo hakad geliyay ajendihii la qorsheeyay kana muujiyay diidmo xooggan qorshaha wax-ka-beddelka.

Intii uu buuqu socday, qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa isticmaalay firinbi, halka kuwo kalena ay ku dhawaaqayeen heesta calanka qaranka, taasoo jawiga u rogtay mid muujinaya mowqifkooda siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, maqnaanshaha guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sababtay in kulanka dib loo dhigo, iyadoo weli la sugayo xal lagu xakameeyo xaaladda.