Xiisad siyaasadeed oo weli ka taagan wax ka beddelka Dastuurka KMG

Xiisad siyaasadeed ayaa weli ka taagan qorshaha wax ka beddelka Dastuurka KMG ee Soomaaliya, iyadoo aragtiyo kala duwan laga muujiyay qodobada wax ka beddelka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka ayaa muujiyey walaac ku saabsan habka loo wado ansixinta iyo saamaynta ay ku yeelan karto awood qaybsiga u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, taasoo muhiimad gaar ah siineysa kulanka berri ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Saacadihii u dambeeyay, waxaa magaalada ka socday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo aad u xooggan, kuwaas oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaas oo isku dayaya inay mideeyaan mowqifkooda ku aaddan diidmada ay ka qabaan habka loo wado ansixinta wax ka beddelka dastuurka.

Xildhibaanadaasi ayaa ku doodaya in geeddi-socodka wax ka beddelka aanu marin wada-tashi qaran oo ku filan, isla markaana ay muhiim tahay in dhammaan dhinacyada siyaasadeed iyo maamul goboleedyadu ay si buuxda uga qayb qaataan.

Marka laga hadlayo dhinaca mucaaradka, diidmada ugu weyn waxay markii hore ka timid siyaasiyiin iyo xildhibaano mucaarad ah, iyo sidoo kale madax ka tirsan maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Madaxda maamuladan ayaa hore u muujiyay walaac ku saabsan qodobada qaar ee wax ka beddelka dastuurka, iyagoo sheegay inay saameyn ku yeelan karaan nidaamka federaalka iyo awood qaybsiga u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka islamarkaana kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa iyaguna bilaabay inay qaataan mowqif ka dhan ah ansixinta dastuurka, taas oo sii ballaarinaysa safka mucaaradka.

Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo ay ku dhisayaan isbahaysi siyaasadeed oo ballaaran, si ay u joojiyaan meelmarinta qodobada ay ku muransan yihiin.

Dhanka kale, waxaa habeenkii xalay la xaqiijiyay in kulan gaar ah ay yeesheen qaar ka mid ah xildhibaanada kasoo jeeda beelaha Hawiye, kuwaas oo ka dooday arrinta dastuurka iyo saameynta ay ku yeelan karto siyaasadda dalka.

Inkastoo faahfaahinta kulankaasi aan si rasmi ah loo shaacin, haddana wararka la helayo ayaa sheegaya in inta badan ka qeybgalayaashu ay muujiyeen shaki iyo walaac ku aaddan sida loo wado ansixinta wax ka beddelka dastuurka.

Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ay kulamo xiriir ah la yeelanayaan xildhibaano iyo siyaasiyiin, si loo helo taageero ku filan oo Baarlamaanka dhexdiisa ah, islamarkaana loo meel mariyo qodobada wax ka beddelka dastuurka KMG.

Hindisaha wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah mid wajahaya cadaadis siyaasadeed, iyadoo mucaaradka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku baaqayaan in dib loo eego habka iyo waqtiga lagu wado geeddi-socodka wax ka beddelka.

Baarlamaanka dhexdiisa ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhasho kala qaybsanaan siyaasadeed, balse haddii ay dhacdo in aqlabiyad ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay si cad uga horyimaadaan ansixinta qodobada wax ka beddelka, ay dhici karto in arrintu isu beddesho qalalaase siyaasadeed oo saameyn ku yeesha shaqada dowladda iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in khilaafkan uu muujinayo weli jiritaanka caqabado muhiim ah oo la xiriira dhismaha nidaamka federaalka, gaar ahaan kala qaybsanaanta awoodaha u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Si kastaba ha ahaatee, dastuurka KMG ee Soomaaliya ayaa ah mid muddo dheer lagu muransan yahay, waxaana marar badan la isku dayay in wax laga beddelo si loo helo dastuur dhameystiran oo ay dhammaan dhinacyadu ku heshiiyaan.