Siyaasiyiinta mucaaradka oo u hoggaansamay amarkii dowladda federaalka Soomaaliya

Siyaasiyiinta mucaaradka oo u hoggaansamay amarkii dowladda federaalka Soomaaliya

Siyaasiyiinta mucaaradka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa u hoggaansamay amarkii dowladda federaalka Soomaaliya ee ahaa in banaanbaxa maanta lagu qabto hal goob oo cayiman, si looga hortago xaalado amni darro iyo isku dhacyo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku dhawaaqay in siyaasiyiinta mucaaradka ay ku heshiiyeen in banaanbaxa ay qorsheynayeen lagu qabto garoonka Koonis ee loogu magac daray Injineer Yariisow oo ku yaalla degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in banaanbaxu uu bilaaban doono saacadda 11:00 subaxnimo, isagoo xusay in go’aanka lagu qabanayo hal goob uu yimid kadib qiimeyn la xiriirta xaaladda amniga iyo sidii looga hortagi lahaa isku dhac ama qalalaase ka dhaca magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in siyaasiyiinta mucaaradka ay mudnaan siiyeen ilaalinta nabadda iyo badqabka shacabka, isla markaana ay muhiim tahay in banaanbaxu u dhaco si deggan oo nabadeed.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa shalay sheegay in dowladda ay oggolaatay in banaanbaxa lagu qabto goob cayiman, isla markaana ay ciidamada ammaanka sugi doonaan nabadgelyada goobta.

“Waxaan fasaxnay oo aan oggolaannay bannaanbaxa uu mucaaradku ku baaqay berri oo ay taariikhdu tahay 10-ka May 2026. Maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha ammaanka waxay isla garteen in si loo ilaaliyo xasilloonida magaalada Muqdisho, bannaanbaxaasi lagu qabto garoonka Injineer Yariisow, mana jiri doonto cid loo oggolaanayo inay sameyso fowdo ama khalalaase,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, banaanbaxan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan muranka la xiriira barakicinta shacabka, burburinta guryaha iyo maamulka dhulalka magaalada Muqdisho.