Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay cutubyo ka tirsan ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo loogu talo-galay xoojinta amniga deegaannada maamulkaasi.
Madaxweyne Laftagareen oo hadal ka jeediyay goobtaas ayaa ku ammaanay ciidamada dadaalkooda intii uu socday tababarka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda shaqo, gaar ahaan ka hortagga cid kasta oo lid ku ah dowladnimada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay xoojinta tayada iyo tirada ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar laga gaaro guud ahaan gobolka, islamarkaana laga hortago cidkasta oo carqalad ku ah nabada deegaanadooda.

Dhinaca kale, Madaxweyne Laftagareen ayaa u mahadceliyey ciidanka AUSSOM iyo dowladda Itoobiya oo door muuqda ka qaatay tababarka iyo tayeynta ciidankaas, isagoona sidoo kale u mahadceliyey wasiirrada, saraakiisha amniga iyo guud ahaan shacabka Koonfur Galbeed, sida ay u garab taagan yihiin ciidamada diyaarka u ah inay ka hortagaan duulaanka lagu soo qaaday maamulka.

Ugu dambeyn, madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in ciidamada ay u taagan yihiin difaaca maamulka, isla markaana ay ka hortagayaan waxa uu ku tilmaamay “duulaan cad” oo uu sheegay inay kusoo qaadday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli deegaano ka tirsan gobolka Baay ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, kuwaas oo xaaladda amni ee gobolka ka dhigaya mid aan deganayn.