Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu xarunta madaxtooyada Qaranka kulan heer sare ah kula yeesho odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulankan oo looga hadli doono sidii xal loogu heli lahaa muranka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya labada dhinac ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, kulankaan ayaa la aaminsan yahay inuu door muhiim ah ka ciyaari karo dejinta xiisadda, maadaama Odayaasha dhaqanka ay yihiin laf-dhabarta bulshada isla markaana door weyn ku leh xalinta khilaafaadka.
Xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed ayaa la sheegaya inay ka dhalatay is-maandhaaf siyaasadeed iyo arrimo la xiriira faragelin lagu eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo sii hurisay khilaafka labada dhinac.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa la sheegayaa inay wadaan dhaq-dhaqaaqyo kala duwan oo isugu jira abaabul siyaasadeed iyo mid ciidan, kuwaas oo laga dareemayo qeybo badan oo ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed, taas oo walaac ka dhalisay mustaqbalka xasilloonida siyaasadeed ee gobolka iyo guud ahaan dalka.
Si kastaba ha ahaatee, xilliyadda soo socdo ayaa la filayaa in kulankaasi uu noqdo mid horseeda wadahadal miro dhal ah, isla markaana gacan ka geysta yareynta xiisadda iyo soo celinta kalsoonida u dhaxeysa dhinacyada is haya ee dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.