C/laahi Maxamed Nuur oo ahaa Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay madaxtooyada Soomaaliya.
Qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in go’aankiisa is-casilaadda uu salka ku hayo caqabado iyo is-mariwaa siyaasadeed oo uu tilmaamay inay saameyn ku yeelan karaan xasilloonida siyaasadda iyo amniga dalka.
“Waxaan maanta, oo ay taariikhdu tahay 26-ka April 2026, iska casilay xilkii la-taliyaha sare ee madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan go’aankan qaatay anigoo tixgelinaya caqabadaha iyo is-mariwaaga siyaasadeed ee adag ee dalka ka jira, kuwaas oo horseedi kara xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid amni” Sidaas waxaa yiri C/laahi Maxamed Nuur.
Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 7-dii Janaayo ee sanadkii 2023 xilka Lataliyahiisa Sare ee ka hortagga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata u magacaabay C/laahi Maxamed Nuur oo haatan xilka iska casilay.
Si kastaba ha ahaatee, is-casilaaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli ku dhow 20 maalmood ay ka harsan tahay dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku eg 15-ka May 2026, iyadoo dalka uu ku jiro marxalad kala-guur siyaasadeed oo xasaasi ah.