Somaliland oo shaacisay inay qabatay hub culus oo si qarsoodi ah lagu soo geliyay

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere)

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay hub culus oo si qarsoodi ah loogu soo geliyay gudaha deegaannadeeda, kaasi oo sida la sheegay laga keenay dalal shisheeye, isla markaana loogu talagalay in lagu kiciyo colaado beeleedyo iyo in lagu carqaladeeyo amniga iyo xasilloonida Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka lagu soo qabtay hubkaas, isla markaana ay jiraan dad loo xiray ku lug lahaanshaha soo gelintiisa, halka qaar kalena ay baxsadeen.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay muddooyinkii dambe la kulmeysay, faragelin shisheeye oo isdaba joog ah, taasoo uu ku tilmaamay mid qaabab kala duwan leh, sida taageero dhaqaale iyo sidoo kale hub si qarsoodi ah loogu soo geliyo gudaha.

“Waxaa jira isku dayo joogto ah oo lagu wiiqayo xasilloonida Somaliland, balse hay’adaha ammaanku si dhow ayay ula socdaan cid kasta oo ku lug leh. Qaar ka mid ah shakhsiyaadka ayaa gacanta lagu dhigay, halka kuwa kalena lagu raad joogo,” ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in hay’adaha ammaanku ay hayaan caddeymo la xiriira halka uu hubku ka yimid iyo cidda ka dambeysay, isagoo intaas ku daray in faahfaahin dheeraad ah lagu soo bandhigi doono marka baaritaannada socda la soo gabagabeeyo.