Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo sidoo kale ah musharraxa xisbiga JSP ee madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wafdiga guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo boqolaal taageerayaal ah oo isugu soo baxay waddooyinka magaalada Baydhabo.

Aadan Madoobe oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo sheegay in haddii loo doorto hoggaanka Koonfur Galbeed uu diiradda saari doono xoojinta midnimada bulshada, dib-u-heshiisiinta deegaannada maamulka, iyo dardargelinta adeegyada aasaasiga ah sida amniga, waxbarashada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wuxuu sidoo kale xusay in loo baahan yahay iskaashi ballaaran oo u dhaxeeya shacabka, hoggaanka dhaqanka iyo hay’adaha dowliga ah si loo gaaro horumar waara oo ka hanaqaada guud ahaan Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay si dhow ula socoto hanaanka doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan qorshaha lagu dhisayo golaha deegaanka iyo baarlamaanka maamulkaas, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaari doona xulashada hoggaanka cusub.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Baydhabo ayaa haatan ku jirta marxalad kala guur ah, iyadoo indhaha siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ay si weyn ugu jeedaan halka ay ku dambeyn doonto tartanka hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed iyo cidda ku guuleysan doonta doorashada soo socota.