Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa jawaab adag ka bixiyay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay maalmahan dambe wadaan siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo abaabulaya banaanbax ballaaran oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 10-ka bishaan May.
Ra’iisul wasaaraha oo khudbad ka jeediyay shirkii maanta ee golaha wasiirrada ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay dhageysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed, balse aysan marnaba aqbali doonin wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga iyo xasilloonida dalka.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ku eedeeyay inay ka shaqeynayaan carqaladeynta amniga magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay inay arrimahaasi ka waantoobaan.
“Waa nasiib darro haddii ay arrintu noqoto ama tayda ayaa la qaadanayaa ama inaysan jiri doonin cid nabad ku seexata, arrintaas aad iyo aad ayaan u cambaareynayaa, waxaana rajeynayaa inay arrimahaasi ka waantoobaan” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse.
Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho inay xoojiyaan amniga, dowladnimada iyo wadajirka bulshada, isagoo xusay in xaaladda dalka ay u baahan tahay midnimo iyo mas’uuliyad qaran.
“Shacabka reer Muqdisho, waxaan leeyahay idinka oo kaliya ayaa micnayn kara farqiga u dhaxeeya Muqdishada maanta iyo tii shalay, nabadda iyo deganaanshiyaha aad maanta ku naaloonaysaan bilaash kuma imaan ee waxaa u shahiiday dhalinyaro badan, marka siyaasi xildoon ah yuusan idinka burburin,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa fariin toos ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo sheegay in kursiga hoggaanka lagu gaaro hannaan sharci ah, balse aan lagu heli karin caga-jugleyn iyo qalqal amni.
“Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maalmahan caga-jugleynta amniga ka dhanka ah ka wada magaalada Muqdisho, waxaan usoo jeedinayaa walaalayaal, haddii aad xukun dooneysaan Ilaahey baa bixiya xukunka, waana garaneysaan jidka loo maro. Midka aad hadda ku caga-jugleyneysaan ma aha mid ku habboon oo idinkana idiin qalma,” ayuu hadalkiisa raaciyay ra’iisul wasaare Xamse.
Si kastaba ha ahaatee, hadallada kasoo yeeray ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kusoo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradku ay si cad u wadaan abaabulka banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo barakicinta shacabka ku nool magaalada Muqdisho, kaas oo la qorsheeyay inuu Muqdisho ka dhaco 10-ka bishan May.