Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen oo maanta xilkii iska-casilay

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska-casilay xilka madaxweynenimo, kadib xaalado siyaasadeed iyo kuwo amni oo cakiran oo maalmihii lasoo dhaafay ka jiray magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ka dhoofay garoonka Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo, iyadoo warar hordhac ah ay tilmaamayaan inuu u safray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo la filayo inuu si ku-meel-gaar ah ugu nagaado.

Go’aanka is-casilaadda ayaa yimid kaddib cadaadis isugu jira mid militari iyo mid siyaasadeed oo ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo si xooggan uga soo horjeedday dib-u-doorashadii uu Laftagareen dhawaan ku qabsaday Baydhabo.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku xaqiijiyay go’aankiisa, isagoo yiri:

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30 March 2026, waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.”

Wararka laga helayo ilo ku dhow dhow madaxtooyada Baydhabo ayaa sheegaya in bixitaanka Laftagareen uu ka dambeeyay wada-hadallo saacado badan socday oo dhex maray isaga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo ugu dambeyn ku heshiiyay in xilka si nabad ah loo wareejiyo si looga fogaado isku dhac hor leh.

Ciidamada dowladda federaalka oo garabsanaya koox la magac baxday “Badbaadada Koonfur Galbeed” ayaa la wareegay inta badan magaalooyinka muhiimka ah ee maamulka, iyagoo ugu dambeyn si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada Baydhabo oo ahayd xaruntii ugu dambeysay ee uu ka arriminayay Laftagareen.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay si degdeg ah u magacowdo hoggaan ku-meel-gaar ah oo maamula Koonfur Galbeed, inta laga qabanayo hannaan cusub oo siyaasadeed oo lagu dhisayo maamulka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xilligan magaalada Baydhabo si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo la adkeeyay ammaanka guud ee magaalada si looga hortago qalalaase dheeraad ah oo meesha ka dhaca.