Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta soo saaray wareegto rasmi ah oo uu ku magacaabay wasiir ku-xigeenno cusub, kuwaas oo buuxinaya boosaskii ay baneeyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada oo horey iska casilay.
Go’aankan ayaa yimid xilli ay xukuumaddu wajahaysay howlo baaxad leh oo u baahan in si degdeg ah loo dardar geliyo, iyadoo ra’iisul wasaaruhu tixgeliyay waajibaadka dastuuriga ah iyo talooyinka madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Wareegtada uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ayaa lagu magacaabay xubnaha cusub ee kala ah:
- Mudane Xasan Maxamed Cali – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
- Marwo Nadiifa Aadam Isaaq – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha
- Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xubnaha cusub u rajeeyay inay si hufnaan, karti iyo mas’uuliyad ku dheehan tahay u gutaan waajibaadkooda shaqo, isaga oo ku booriyay inay mudnaan siiyaan danta guud, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta adeegyada ay xukuumadda DanQaran u hayso shacabka Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso waxqabadkeeda iyo hufnaanta hay’adaha dowladda, iyadoo la filayo in wasiir ku-xigeennada cusub ay door muuqda ka qaataan horumarinta qorshayaasha istiraatiijiga ah ee dalka.