Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo maanta ka dhacday xarunta taliska guud ee ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa xilka loogu wareejiyay taliyaha cusub ee ciidanka, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood goob-joog ka ahaa xil wareejinta.
Xilka taliyaha cusub ayaa waxaa si rasmi ah ugu wareejiyay taliye ku-xigeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed, iyadoo intii ay socotay munaasabaddana si weyn diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay joogteynta howlaha ciidanka, xoojinta amniga gudaha hay’adda, iyo ilaalinta anshaxa iyo sumcadda diidanka asluubta.
Mas’uuliyiintii hadalka ka jeediyay goobta ayaa si gaar ah u ammaanay shaqadii iyo dadaalka hoggaankii hore, iyagoo sidoo kale muujiyay kalsooni buuxda oo ku aaddan hoggaanka cusub.
Taliyihii hore ee ciidanka asluubta, Sarreeye Gaas Mahad C/raxmaan Aadan (Taliye Shub) oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa la sheegayaa inuu haatan weli ku jiro xabsi guri, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababaha arrintaas ka dambeysay.
Si kastaba ha ahaatee, magacaabista taliyaha cusub ayaa la filayaa inay horseeddo isbeddel muuqda oo ku yimaada hab-maamulka iyo waxqabadka ciidanka asluubta Soomaaliyeed, iyadoo la rajeynayo in hoggaanka cusub uu xooga saaro dib-u-habeyn, tayeyn iyo sare u qaadidda adeegyada ay bixiso hay’addu, gaar ahaan dhinaca ilaalinta xuquuqda maxaabiista.