Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro-dhal ah khadka taleefanka kula yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani, iyadoo wadahadalkaasi diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah iyo horumarinta xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani, ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni ee labada dal, iyagoo ku heshiiyeen in xiriirka Soomaaliya iyo Qatar uu noqdo mid istiraatiiji ah oo waara.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, taageerada hay’adaha dowliga ah, iyo kobcinta mashruucyada gargaarka bani’aadannimo ee lagama maarmaanka u ah bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar go’aankii cad ee ay ku garab istaagtay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoona sidoo kale ku bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Qatar u fidiso hay’adaha dowladda federaalka, gaar ahaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo iyo dhismaha iyo tayeynta hay’adaha dowliga ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay nabadda iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika, iyagoo isla ogolaaday in la sii wado wadashaqeynta istiraatiijiga ah ee dhinacyada amniga iyo horumarka si loo xoojiyo nabadgelyada dalka iyo gobolka.
Ugu dambeyn, wadahadalkan ayaa lagu tilmaamay mid miro-dhal ah, iyadoo labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen in xiriirka Soomaaliya iyo Qatar uu sii xoojin doono iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarka bulshada, gaar ahaan dhinacyada gargaarka iyo mashaariicda horumarineed ee lagama maarmaanka u ah Soomaaliya.