Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa si adag uga hadlay socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay kusoo gaaray magaalada Laascaanood, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay duulaan lagu soo qaaday Somaliland.
Madaxweyne Cirro oo ka qeyb-galay kullan ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Laascaanood ay ka mid tahay Somaliland, islamarkaana aanu marnaba ogolaan doonin in lagu soo xad-gudbo.
“Xasan Sheekh iyo kooxdiisaba waxay Laascaanood ka aloosaysaa duulaan ka dhan ah Somaliland, diyaarado Turki ah ayaana laba-dhigaya ciidan iyo hub” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne C/raxmaan Cirro.
Dhinaca kale, madaxweyne Cirro ayaa ku goodiyey in maamulkiisu uu tallaabo adag ka qaadi doono cidkasta oo duulaan kusoo qaadda, islamarkaana cashar lama illoowaan u dhigi doonna.
“Beesha caalamka iyo dowladaha aanu deriska nahay waxaan u sheegayaa in socdaalka Laascaanood yahay faragelin iyo duulaan-cad, lagu soo qaaday Somalland, cashar ayaa u dhigaynaa cid kasta oo nagu soo duusha” Ayuu madaxweyne Cirro hadalkiisa ku daray.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxwexweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay soo gaareen mas’uuliyiinta sare ee ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.