Wafdi ka socda dalka Jabuuti islamarkaana uu hoggaaminayo wasiirka awqaafta iyo diinta ee Jabuuti Muumin Xasan Barre ayaa maanta soo gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdigaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya C/qaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), waxaana markii dambe loo galbiyay gudaha magaalada.
Wafdigaan oo ka kooban wasiiro, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya C/qaadir Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageersan midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda aqoonsiga Israel ee Somaliland, islamarkaana dowladda federaaka Soomaaliya ku taageertay dhisidda iyo geeddi-socodka maamul goboleedyadda dalka.