Somaliland oo soo bandhigtay ciidamo cusub oo ay tababar usoo xirtay

Somaliland oo soo bandhigtay ciidamo cusub oo ay tababar usoo xirtay
Somaliland oo soo bandhigtay ciidamo cusub oo ay tababar usoo xirtay

Xukuumadda Somaliland ayaa duuleedka degmada Oog ee gobolka Sool kusoo bandhigay in ka badan 6,000 askar oo ay halkaasi tababar ugu soo xirtay.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale ay weli ku sugan yihiin magaalada Laascaanood, si ay uga qeyb galaan munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya, C/qaadir Aw-Cali Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa oo maanta halkaasi ka dhacayso.

Taliyaha guud ee ciidanka Somaliland oo hadal adag ka jeediyay munaasabadda lagu soo bandhigay ciidamadaas ayaa sheegay in gobolka Sool uu yahay dhul ka tirsan Somaliland, islamarkaana aanu jirin cid wax arrintaasi ka beddeli karta.

Sidoo kale, taliyaha ayaa si gaar ah u cambaareeyay booqashada madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee magaalada Laascaanood, oo uu ku tilmaamay daan-daansi iyo xad-gudub lagu soo qaaday dhul ka mid ah Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli maalintii shalay kullan ka dhacay magaalada Hargeysa uu madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ku tilmaamay joogitaanka madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee Laascaanood duulaan qaawan oo ka dhan ah madax-banaanida Somaliland.