Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan muranka la xiriira arrimaha doorashooyinka, isagoo muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan mustaqbalka nidaamka federaalka.
Madaxweyne Deni, oo hadal ka jeediyay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa sheegay in haddii aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada Soomaaliyeed kahor 15-ka May 2026, ay meesha ka baxeyso jiritaanka dowlad federaal ah oo dalka ka shaqeysa.
Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa si cad u sheegay in Puntland ay horay u qaadatay go’aanadeeda siyaasadeed, isla markaana aysan wax badan ka sugayn ama ka dhowrayn hoggaanka federaalka ee haatan jira.
“Hadii aan la helin xal Soomaali isku raacsan tahay laga bilaabo 15-ka bisha soo socota, dowlad federaal ah oo jirtaa ma jiri doonto, waxayna Puntland hore u raaci doontaa daneheeda, mana sugeyso madaxda federaalka ee haatan joogta” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.
Ugu dambeyn, madaxweyne Dani ayaa sheegay in maamulkiisu uu sugayo aragtida iyo talooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada dalka, isagoo tilmaamay in talada shacabka ay muhiim u tahay jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wada-xaajoodyada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.