Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeyb-galay xafladda caleema-saarka ugaaska beesha Murudsade Ugaas C/risaaq Ugaas C/laahi Ugaas Xaashi ayaa si faah-faahsan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo iftiimiyay kala aragti duwanaanta u dhaxeeya siyaasiyiinta iyo doorka muhiimka ah ee odayaasha dhaqanku ku leeyihiin dib u heshiisiinta iyo xallinta khilaafaadka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in inkastoo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed, haddana bulshada Soomaaliyeed aysan ku kala qaybsanayn arrimo aasaasi ah sida diinta, dhaqanka iyo dhalashada, balse tilmaamay in khilaafaadka jira ay ku egyihiin dhinaca siyaasadda, isla markaana ay weli jirto fursad lagu gaari karo is-afgarad qaran.
“Siyaasadda markasta way iska leedahay isjiid-jiid iyo wax iska sheegid balse bulshada Soomaaliyeed kuma kala qeybsana dhaqanka, caqiidada, diinta iyo dhalashada; khilaafka jira waa mid siyaasadeed, waxaana rajeynayaa in xal loo heli doono haddii Alle idmo,” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u bogaadiyay doorka taariikhiga ah ee odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay kasoo qaateen xalinta khilaafaadkii hore, isaga oo xusay in marar badan, marka ay xaaladdu cakiranto, ay iyagu noqdaan kuwa hormuud u ah dib u heshiisiinta iyo isu soo dhawaynta dhinacyada iska soo horjeeda.
“Markii ay xaaladdu adkaatay oo la waayay meel laga saxo, odayaasha dhaqanka ayaa hormuud u noqday xal u helidda arrimaha Soomaaliya. Maantana doorkooda waa mid furan, waxaana laga sugayaa inay kaalin muuqata ka qaataan dejinta isjiidjiidka siyaasadeed,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo wadaagga awoodda, taas oo u baahan inay iska kaashadaan dowladda, mucaaradka, iyo hoggaanka dhaqanka, si loo xaqiijiyo xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara.